7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Dagaal dad ku dhinteen oo ka dhacay deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Dagaal  la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood oo wada daga gobolka Togdheer ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cali Saahid.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu sababay dhimashada ugu yaraan hal qof, isla markaana ay jiraan dad ku dhaawacmay, beelahan  ayaa la sheegay in ay isku haystaan dhul daaqsimeed.

Dadka qaar kood oo kasoo jeeda deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa Jabhada Buurta Gacanlibaax, ku eedeeyay in ay lug ku leedahay hurinta colaadan cusub, oo ay jabhada dishay dadka dhintay.

Jabhada ayaa saaka weerar ay ku qaaday magaalada Burco ku afduubtay baabuur ay leedahay Wakaalada Biyaha Burco, iyaga oo watay saddex baabuur oo Cabdi Bille ah.

Beelaha la sheegayo in ay deegaankan ku dagaalameen ayaa dhawaan uun heshiis la dhex dhigay kadib dagaalo soo noqnoqday oo dhexmaray.