7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Howlgal lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howgalo qorshaysan ka fuliyay deegaano ku dhadhaw magaalada Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnayeen laba ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-shabaab u qaabilsana deegaanada gobolka Jubbada Hoose iyo ciidan ilaalo u ahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in howlgalka ay ku dileen laba horjooge oo kooxda Al-shabaab  gobolka Jubbada Hoose ugu qaabilsana qaadista lacagaha ay kooxdu ugu yeeraan sakawaadka iyo ilaaladii la socotay oo aanan tiradooda la xaqiijin inta ay dhan tahay.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminaayay ciidamada howlgalka ku dilay labada horjooge iyo ilaaladooda ayaa sheegay in ciidanku wali wadaan howgalo lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan deegaanada Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilahii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay ku dooneyso iney kaga ciribtirto guud ahaan dalka.