7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay taliyayaal cusub oo katirsan hoggaanka ciidanka xoogga dalka
 

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliyayaal cusub oo katirsan ciidanka xoogga dalka, si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa taliyayaasha uu magacaabay waxaa kamid ah, taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarereye Guuto Maadeey Nuureey Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Dayax Cabdi Cabdulle u dalacsiiyay Sarreeye Gaas, isagoo u magacaabay taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Maanta, muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo ku aaddan halganka aan dalkeenna uga xoreyno Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Magacaabista Taliyeyaasha cusub ayaa ku soo beegantay labo todobaad kadib markii  xabsiga loo taxaabay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka soo baxay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Taasoo keentay in dib u dhac uu ku yimaado howlgallada ciidamada ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Saraakiisha la magacaabay ayaa kamid ah kuwa hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Alshabab ee ka socda Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay inuu qaadayo tallaabooyin lagula xisaabtamayo kuwa uu sheegay inay ku tagri faleen awoodda ciidanku lahaa.

Madaxweynuhu muddo labo bilood ku dhow ayuu ku sugan yahay magaaalada Dhuusomareeb, isagoo halkaas ka hagaya dagaalka ka socda Galmudug ee Shabaab looga xoreeyay degaano badan.