7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Soomaalida iyo Oromada oo maanta dagaal culus uu ku dhex maray duleedka Qollaji ee Dowlad degaanka Soomaalida

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka bilowday meel u dhaw xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maleeshiyada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta dagaalkan ayaa billowday galinkii hore ee maanta, kaddib markii ay Ciidamada Oromiya weerar kusoo qaadeen bar kantarool oo Soomaalidu leedahay oo ku yaal duleedka xerada barakacayaasha Qollaji, halkaas oo dhawaan xukuumadda degaanka Soomaalidu ka samaysay bar kantarool oo Jaadka degaanka soo galaya lagu canshuuro.

Dagaalkan oo socday saacado badan ayaa waxa uu ku fiday goobo ay kamid yihiin buurta dhinaca ka xigta Qollaji, jidka laamida dhinaca xigta degaanka Oromiya iyo goobo kale, waxaana lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ay jiraan, inkastoo ay adag tahay sida lagu helo warar madax banaan oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maanta, waxaa sidoo kale xidhan isu socodkii Baabili ilaa Jigjiga.

Ujeedka dagaalkan maanta ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu daba socday barta kantarool ee Soomaalidu dhawaan ka samaysay duleedka xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida halkaas oo ay ka cadhoodeen Oromadu, waxayna maalmo ka hor Oromadu dhinacooda soo rareen oo ay kusoo dhaweeyeen Qollaji bar kantarool oo kale oo iyagu leeyihiin taas oo horey ugu taallay duleedka magaalada Baabili.

Dhinaca kale wararka imika aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidamada Millitariga Itoobiya ay galinkii dambe soo kala dhex galeen labadii Ciidan ee Soomaalida iyo Oromada ee dagaalku ku dhexmaray duleedka xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, waxayna wararku sheegayaan in dagaalkii uu hadda istaagay iyadoo sidoo kale la furay jidkii dhex marayay Qollaji ee u xidhnaa dagaalkii maanta.

Qollaji ayaa waxaa deggan dad barakacayaal ah oo Soomaali ah, kuwaas oo kasoo barakacayay colaadihii kala duwanaa ee horey usoo dhex maray Soomaalida iyo Oromada, waxayna goobtani salka ku haysaa buuraha waawayn ee ay caanka ku tahay degaanka Baabili.

Soomaalida iyo Oromada ayaa marar hore sidan oo kale colaado kala duwan soo kala dhexmareen, iyadoo dagaalladaasi ay salka ku hayeen degaanno ay labada dhinac isku haysteen iyo marar kala duwan oo dagaal qowmiyadeed uu dhex maray labadooda, inkastoo dhammaantood heshiis nabadeed laga gaarey.