7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay madaxweyne Deni inuu ku fashilmay nidaamka dimuqraadiyada Puntland

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh.

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen damaca siyaasadeed ee madaxweyne Deni inuu horseeday hubanti la’aan amni, in dastuurkii loo beddelo sifo sharci darro ah, iyo in maxkamaddii dastuuri ahayd uu awooddeedii la wareegay golaha baarlamaanka.

Waxay sheegeen doorashooyinkii Dowladaha hoose inay keeneen in bulshadii iska hor timaado. Waxay sheegeen in ururadii siyaasada ay haraysay isqabqabsi, boob iyo in lakala dhaco.

Siyaasiyiinta mucaaradka waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni in uu mushahaarooyinkii ciidanka iyo shaqaalaha dowladda u adeegsanayo olole siyaasadeed. Waxay walaac weyn ka muujiyeen xaaladda amniga Puntland

Waxay ku baaqeen in la isugu yimaada shir degdeg ah oo looga tashanayo xaaladda Puntland haatan ka taagan, iyagoo sheegay in madaxweyne Deni uu si toos ah uga leexday hannaankii dimuqraadiyaynta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa muddo bil ka badan ka maqan Puntland, waxaana ugu dambeysay isagoo bartamihii bishii August u ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta.