7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya qarax xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo maanta dhacay gobolka Gedo.

Qaraxaan ayaa duhurninadii Maanta ka dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Dooloow iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa la sheegay in lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo uu la socday abaandulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Rashiid Bohol iyo saraakiil kale.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegaya iney ku dhinteen 4 askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 10 askari oo uu ku jiro abaandulaha guutada 10-aad ee ciidanka xooga dalka oo la sheegay inuu yahay dhaawaciisa mid fudud, lana geeyay degmada Luuq.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah uu ka dhaco wadada xariirisa degmooyinka Luuq iyo Dooloow oo uu khasaare kasoo gaaro askar iyp saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab oo haatan wajaheyso culeyskii ugu adkaa oo ay kala kulmeyso kacdoonka dagaal ee dowladda iyo dadka deegaanka ku hayaan ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan maanta ka dhacay gobolka Gedo.