7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo goordhaw la wareegay magaalada Camaara
 

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Camaara, islamarkaana ciidamada ay kusii daba jiraan firxadka kooxda Shabaab.

Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Camaara ayaa halkaasi isaga baxay kadib markii ay ka war heleen cududa ciidamada kusoo wajahan Camaara, waxaana xusid mudan in ciidamada gudaha u galay Camaara ineysan la kulmin wax dagaal ah.

Wasiir Alcadaala ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Camaara ay kooxdu maamuleysay sanado badan, islamarkaama ay haatan ciidamada ka wadaan xaafadaha magaalada howlgalo baaritaano ah oo lagu xaqijjinaayo amaanka magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab ka saaray deegaano badan oo ku yaala gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.