7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dagaal rogaal celis ah ku dilay 55 ka tirsan Ashabaab

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee ka howlgalla degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya ciidanka Dowladda Soomaali ay dileen in badan 55 ka tirsan kooxda Alshabaab.

Dilkan ayaa yimid, kaddib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxda Alshabaab, kuwaas oo axadii weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khasaaro ayaa ciidamada Itoobiya lagu gaarsiiyay weeraro gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, xilli ay ku sii jeedeen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha ciidanka Dowladda ee ku sugan Bakool ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan tirada askarta Itoobiya looga dilay ama kaga dhaawacmay weerarada gaadmada ah, balse waxay sheegeen inuu jiro khasaare xooggan oo labada dhinac ah.

"Ma garanayno tirada askarta Itoobiya looga dilay weerarkan gaadmada ah, balse waxaa la ii xaqiijiyay in askar badan looga dilay," ayuu yiri sarkaal ciidan oo la hadlay wakaaladda Anadolu.

Si kastaba ahaatee, Alshabaab ayaa barahooda internetka ku qoray inay jab xooggan ugeysteen ciidamada Itoobiya, iyagoo sheegay inay maxaabiis gacanta kaga dhigeen, kaddib weerar ka dhacay gobolka Bakool.