7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo sheegay in dad dibadaha joogaa rabaan in ay Awdal qalalaase galiyaan

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in dad dibadaha jooga ay rabaan in ay nabadgalyo daro ka abuuraan gobolka Awdal.

Saylici oo hadal ka jeediyay xaflad qalinjabin ah oo ay lahayd Jaamacada Eello ee magaalada Borama, ayaa ka hadlay shir la sheegay in dhawaan qaar kamid ah qurbajoogta reer Awdal ay ku sheegeen in ay Somaliland kaga soo horjeedaan.

"Nin aan kuu furi doonin yuuna kuu rarin, nin aan waxba taraynin caruurtiisii dibada ku haysta, meelaha shirar ku qabsada, ee umada nabada ku naaloonaysa odhanaya waa layna haystaaye is xoreeya, kaasi been ayuu sheegayaa" ayuu yidhi Saylici.

Waxa uu sheegay in reer Awdal ay Somaliland dhisteen isla markaana ay qayb muhiima ka yihiin xilal muhiim ahna ka hayaan.

"Cid la haystaa ma jirtee qaran dhisan oo aan qayb ka nahay oo aan madaxweyne ka noqonay, oo aynu madaxwayne ku xigeen ka nahay ayaynu joognaa hadaan reer Awda nahay" ayuu yidhi Saylici.

Waxa uu sheegay in cidkasta ay wax tabanayso oo wax dhimani jiraan, laakiin anay ahayn in taasi keento burbur, oo dadku burburiyaan wixii wanaagsanaa ee ay hore usoo qabteen.

Waxa la sheegay in dhawaan shir uu hoggaaminayay Ugaaska Guud ee Beelaha gobolka Awdal, oo ka dhacay dalka Canada lagaga hadlay qodobo Somaliland ka dhan ah.