7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Awdheegle
 

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahin Barre ayaa goordhaw faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal maanta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dagaalka aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Awdheegle in Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka mid ahaa Al-shabaabkii soo weeraray degmada.

Wuxuu ugu horeyn ku bogaadiyay ciidamada dowladda fedaraalka guulaha ay saakay ka gaareen weerarka ay kooxdu kusoo qaaday aroornimadi hore degmada Awdheegle

"Cadawga saakay soo weeraray Awdheegle cashir ayaa loo dhigay waxaa laga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo u badnaa caruur ay soo qaldeen, walina ciidankeena waxay ku daba maqan yihiin haraadigii baxsaday, sidii ay usoo dhameystiri lahayeen" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahin Barre.

Guddoomiyaha gobolka shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale ugu baaqay waalidiinta in  caruurtooda ay kala soo baxaan kooxda Shabaab.

"Al-shabaab waxay dabka sidii xaabadii ugu shidaan caruurta Soomaaliyeed oo ay afduubka kaga soo wateen qoysaskooda, sababto ah kuwa madaxda isku sheegaya caruurtooda dagaalka ma galiyaan oo meel nabad ah ayay geystaan waxa la qaldayo oo is qarxiya ay dhahaan waa kuwa ay waalidiintooda xooga uga soo kaxeysteen" ayuu yiri guddoomiye Barre.

Si kastaba ha ahaateen kooxda Al-shabaab oo war kasoo saartay dhankeeda dagaalka ka dhacay Awdheegle, waxay sheegteen iney ku dileen ku dhawaad 59 askari oo ka mid ah ciidanka dowladda Soomaaliya, hayeshee ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadooda.