7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Somaliland: Xisbiga Kulmiye oo xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu ku kacay falal amni daro
 

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku eedeeyay in uu ku kacay falal amniga wax lagu yeelayo iyo in uu taageeray ciidamada Somaliland kaga soo horjeeda Laascaanood.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni (Cabdinaasir Buuni), ayaa Waddani ku eedeeyay in uu barbar istaagay ciidamada Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool.

"Waxaynu ognahay huwanta is huwan ee bulshada Laascaanood weerarka kusoo qaaday ee lahayd argagixisada, ee lahayd kuwa ujeedooyinka kale leh, ee halkaa lagu dhibaateeyay shacbiga Somaliland iyo haldoorka dilalkii loo gaysanayay in xisbjga Waddani uu si toosa u barbar istaagay" ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu lug ku lahaa kacdoonkii shacabka Laascaanood "Xisbiga Waddani isaga ayaa abaabulay dhacdadii ka dhacday magaalada Laascaanood, waana mid ay ka wada socdeen Cabdirisaaq Khaliif oo qorshaheeda lahayd".

Waxa uu ku eedeeyay xisbiga Waddani ay beegsadeen ciidanka, isaga oo sheegay in jabhada Gacanlibaax ay ka midyihiin rag ka ag dhow musharax Cirro, isla markaana ay diideen in ay fuliyaan heshiiskii jabhada hubka lagaga dhigayay.

Waxa kale oo uu tilmaamay in mudaharaadkii 11 August ee sannadkii hore ay mucaaradku sameeyeen uu ahaa mid nabada lagu waxyeelaynayo oo shacabka iyo ciidanka layskaga horkeenayo, isla markaana uu Cirro qorsheeyay in dhallinyartu damiciisa u dhintaan.

Xisbiga Waddani ayaa marar badan iska fogeeyay eedaymaha xisbiga Kulmiye ee ku aadan arrimahan, sidookale xisbiga ayaa sheegay in aanu shaqo ku lahayn jabhada Gacanlibaax, iyaga oo sheegay in ay barbartaaganyihiin ciidanka.