7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Xisbiga Waddani oo sheegay in wado nabadeed oo kali ah lagu xalin karo xaalada Sool

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Xogeeyaha Guud Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani  ayaa sheegay in wado nabadeed oo kali ah gobolka Sool Somaliland loogu soo celin karo.

Xogeeye Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay xaflad qalinjabineed, ayaa sheegay in markasta oo dagaalku sii dheeraado ay dhibaatadu badanayso, iyo in Sool la'aanteed anay Somaliland dowlad noqon karin.

"Markasta oo uu qof dhinto mushkilada ayaa sii fogaanaysa, midna aynu maskaxda ku hayno Somaliland ayaynu rabnaa, oo dowladnimo ayaynu rabnaa, Sool la'aanteed walaahi ma dhacayso" ayuu yidhi Xogeeye Khadar.

Waxa uu sheegay in anay suuragal ahayn in dadka reer Sool cudud millateri lagu maamulo, lakiin loo baahanyahay wado nabadeed.

"Waxa kale oo been ah Sool xoog intaan ku qabto oo aan laayo dadkeeda ayay ila joogaysa, ina rag walaal wuxuu ku dhaamo waa la waayaay nabad ayaynu u baahanahay" Xogeeye Khadar.

Dagaalka Laascaanood ayaa hada socda muddo sagaal billood ku dhow, isla markaana ciidamada Somaliland ayaa dagaal 25 August dhacay lagaga soo saaray saldhigyadoodii duleedka Laascaanood, iyada oo laga cabsi qabo in markale ay dagaalo kale qarxaan.