7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Kooxda Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ka geysatay degmada Awdheegle

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in kooxdu ay ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo halkaas ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana mararka qaar la maqlaayay jugta qaraxyo xoogan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay iney iska difaaceen weerarka saakay kaga yimid Ururka Shabaab, islamarkaana ay khasaare badan gaarsiyeen xubnahii weerarka kuso qaaday.

Weerarkaan ayaa qeyb ka ah weeraro noocaan oo kale ah oo ay kooxda Shabaab mararka qaar kula jarmaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada kala duwan ee gobolada dalka, xili howlgalada ka dhanka ah Shabaab uu si xoogan uga socdo gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.