7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2023
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay weerar Shabaab ku qaadeen degmada Bardaale
 

Axad, September, 10, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya dadka deegaanka ay ku guulaysteen inay iska caabiyaan weerar Shabaab kusoo qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in iska caabinta lagu dilay hogaamiyihii kooxda iyo maleeshiyaad kale oo katirsanaa Alshabaab.

“Xalay, Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay taageerayaan dadka deegaanka, ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyada Khawaarijta ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga Sabtidii.

Dhankooda, kooxda Al Shabaab ayaa xaqiijisay weerarka ay ku qaadeen magaalada, waxayna sheegeen inay ku qasbeen ciidamada dowladda Soomaaliya inay ka cararaan saldhigooda.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, iyadoo kooxda Alshabaab ay saakay weerar culus ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose, waxayna sheegeen inay si buuxda ula wareegeen gacanta ku haynta degmadaas.

Alshabaab, bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay 59 askari ku dileen weerarka ay kusoo qaadeen degmada Awdheegle, balse si dhab ah looma oga sheegashadooda.