7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Xildhibaano si kulul uga hadlay soo dhaweyntii maanta Muqdisho loogu sameeyay hogaamiyaha SSC Khaatumo

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ayaa si kulul uga falceliyay soo dhaweyntii maanta loogu sameeyay magaalada Muqdisho hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah Xildhibaanada sida adag u dhaliilay soo dhaweyntii maanta garoonka Aadan Cadde loogu sameeyay wafdiga uu horkacaayay hogaamiyaha SSC Khaatumo.

"Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi. Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka" ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaan Maareeye ayaa sidoo kale yiri "waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya"

Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka mid ah Xildhibaanada sida kulul uga hadlay soo dhaweynta hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye, isagoona sheegay in Cabdiqaadir Firdhiye uu yahay shaqsi matala degmooyinka Laascaanood iyo Taleex oo aan meel kale matalin.

"Guddoomiye firdhiye ma matalo waxaan ahayn degmooyinka Laascanood iyo taleex, haday sidan kusii socoto cunfiga iyo qabyaaladuna  Degmo kasta oo dalka ka Mid ahi maamul iyo dawlad ayay sheegan ee haloo cadaalad sameeyo" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Haaruun.

Falcelintaan adag oo ay ka bixiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ayaa timid, kadib markii maanta Muqdisho soo dhaweyn heerkeedu sareyso loogu sameeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.