7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Wabiga Shabeelle oo bilaabay inuu fataho iyo cabsida laga qabo Elnino oo sii kordheysa

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa bilaabay inuu ku fataho deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii uu sara kac ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaada ayaa lasoo warinaya in xoogeeda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Fatahaada uu wabiga ka sameeyay deegaanada ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay iney baabi'isay dalagyo kala duwan oo ku beerna dhul beereed baaxad leh oo ay soo dhaweyd xiligii la goosan lahaa.

Waa markii labaad ee sanadkaan gudahiisa ay fatahaad ku dhufato qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo bishii April ee sanadkaan horay u baabi'isay dalagyo kala duwana kadib markii uu ku fatahay wabiga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar Gaabow ayaa sheegay in degmada Mahadaay haatan ay qarka u saaran tahay inuu ku fataho wabiga.

“Degmada Mahadaay oo kale shalay iyo maanta waxaa biyaha laga celcelinaya xaafadda Kacaanka xaafad la yiraahdo oo ka tirsan Degmada Mahadaay, oo ayadana ay biyaha ku fatahaan, balse dadka deegaanka ayaa ku dadaalaya iney ka hortagaan.” Ayuu yiri Wasiir Cumar Maxamed Cumar.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadaan ay ka soo hormartay xiliyadii lagu yaqiinay fatahaadaha kale, isagoona xusay in fatahaadan ay sii dheer tahay cabsida laga qabo roobabka mahiigaanka ee laga digayo in dalka ka da’i doonaan iyo weliba duufaanta El Nino ee la sheegay iney ku soo wajahan tahay dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Wasaaradda waxay diyaargarow ugu jirtaa in laga hortago fatahaadaha kale ee ka dhalan doona duufaanta El Nino iyo roobabka daadadka wato ee la filayo inay dalka ka da’aan, taas qorshaheeda iyadoo aan la gaarin ayay biyahan ka hordhaceen. Hirshabelle ahaan sida hadda aan saadaasha ku ognahay ama na loogu sheegay roobabka lixaadka leh ee dabeylaha wato waxay ka da’i doonaan soonaha Hiiraan, Shabellaha Dhexe asna waxaa looga cabsi qabaa inay ka dhacaan fatahaado hor leh, oo ay sababaan duufaantaas iyo roobabka ka da’i doona Gobolada Dhexe" Ayuu yiri Wasiir Cumar Gaabow

Dhawaan ayay aheyd markii Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ay sheegtay iney jirto cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu wajaho dabeylo iyo roobab mahiigaan ah oo sababi kara fatahaado iyo daadad, waxaana xusid mudan in roobabkaasi ay haatan ka bilaawdeen meelo ka mid gobolada dalka oo ay ugu horeeyaan gobolada Baay iyo Hiiraan.

Digniinaha la jeediyay waxaa si gaar ah loogu muujiyay in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool xeebaha Soomaaliya iyo dhulka ay webiyadu maraan.