7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw gaaray Muqdisho
 

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaray wafdi uu horkacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Wafidgaan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka safarka wafdiga hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u fidiyay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu wadaa in mudada uu joogo Muqdisho inuu kulamo kala duwan halkaas kula qaato madaxda dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’daha Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Wafdiga hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo dhinacyada uu Muqdisho kula kulmi doono arrimaha la xariira Mashaariicda Horumarinta, gargaarka bini’aadanimo iyo waliba sidii Hay’adaha kala duwan ay uga hawlgali lahayeen deegaanada gobolada SSC Khaatumo.