7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Madaxweyne Laftagareen oo Tababar u soo xiray Dufcada 8-aad ee Booliiska gaarka u tababaran Koonfur Galbeed

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Xasan Lafta gaareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay tababar ugu soo xiray Dufcadii sideedaad ee ciidanka Booliiska gaarka u tababaran ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasanadda tababarka loogu soo xiray ciidankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil heer fedaraal ah, masuuliyiin, Xildhibaano iyo madax ka socota howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Masuuliyiinta heer Fedaraal oo munaasabadda goobjooga ka aheyd ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo Taliyaha Qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ciidanka kula dardaarmay iney qaataan masuuliyadda ka saaran sugidda amniga deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay tixraacaan waxyaabaha waajibaadka ku ah ee tababarka lagu siiyay.

Tababarka ciidamadaan maanta loogu soo xiray Baydhabo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay inta badan weeraro xoogan ka geysato deegaanada laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.