7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ku baaqay in loo diyaar garoobo xaaladaha ka dhalan kara Roobabka mahiigaanka iyo El-Nino
 

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir oo looga arinsaday arrimo dhowr ah oo la xariira amniga Caasimada, qaadashada kaarka Aqoosiga Qaranka, garab istaaga ciidanka dowladda iyo waliba roobaabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney ka da’aan gudaha dalka iyo saadaasha El-Nino.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduha Axmed Macalin Fiqi, Maareeyaha Guud ee Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka Cabdiweli Cali Timacade, Taliyaha Hogaanka Xiriirka Bulshada ee Booliska Soomaaliyeed iyo gudoomiyaasha degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo Roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo iney da’aan iyo saadaasha El-Nino, isagoona ugu baaqay Barakacayaasha iyo dadka ku hoos nool guryaha bur bursan iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Yuusuf Madaale ayaa faray gudoomiyeyaasha degmooyinka, Culumada, Hay’adda heer Federaal iyo shacabka intiisa kale iney qaataan doorkooda xaalad walba oo ka dhalan karta Roobabka iyo dabeylaha la saadaaliyay ee El-Nino.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magacaabay guddi heer gobol oo ka shaqeenaya u diyaar garowga xaaladaha ka dhalan kara saadaasha El-Nino oo cabsi badan ku beertay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool xeebaha iyo dhulka wabiyada ay maraan.