7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 6 , 2023
Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
 

Jimco, October, 6, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta markale gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka baaqday safar ay ku tagi lahayeen Baydhabo.

Xubnahaan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah kana soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda halkaas kulan kula qaataan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo laba bilood ah ku sugan halkaas.

Kulanka lagu wado inuu Dhuusamareeb ku dhexmaro xubnahaan iyo madaxweyne Xasan ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku qotamo arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale siyaasiyiintaan ay sheegeen in kulanka Dhuusamareeb kadib ay tagi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Safarka aya maanta ku tageen Dhuusamareeb siyaasiintan ayaa waxaa ka horeeyay safar uu Talaadadii la soo dhaafay Dhuusamareeb ku tegay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas kula kulmay madaxweyne Xassan Sheekh, inkastoo aanan si rasmi ah loo faahfaahin wixii ay ka wada hadleen labada masuul.