7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay deegaano cusub ka hurinayso colaad
 

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay colaad ka abuurayso deegaano cusub, isla markaana ay dad rayid ah u qaybisay saanad ciidan.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Xoghayaha Amniga iyo Difaaca Maamulka SSC Khaatumo, ayaa lagaga digay colaad ay SSC sheegtay in Somaliland ka abaabulayso deegaano cusub.

"Maamulka Hargaysa waxa uu dhawaanahanba deegaano hor leh ka abaabulayaa colaad, oo nabad lagu wada noolyahay, deegaanka Qorulugud waxa ka socda colaad uu abaabulayo maamulka Muuse Biixi" ayaa lagu yidhi.

Waxa warsaxaafadeeda lagu sheegay in SSC Khaatumo ka digayso dagaalka, isla markaana ay dhinaca kale dhab u qaadanayso oo ay u diyaargaroobayso, ayna diyaar u yihiin in ay is difaacaan.

Sidookale, waxa lagu sheegay in ay beesha caalamka ogaysiinayaan in masuuliyada colaadkasta oo dhacda ay dusha u saarantahay Somaliland, isla markaana ay ilaalinayaan nabada iyo xasiloonida dhankooda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Sabtidii sheegay in xukuumadiisu anay ogolaanayn maamul laga sameeyo gobolada SSC, isla markaana ay difaacayaan dhulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.