7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
Masuuliyiin katirsan Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degaanka Barujeed
 

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii degmada Guriceel, Shaafici Cabdi Jaamac, iyo taliyihii saldhigga Guriceel, Cismaan Huudeey, ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay Alshabaab ay kusoo qaadeen degaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan degmada Guriceel ayaa warbaahinta HOL u xaqiijiyay in guddoomiye ku xigeenka iyo taliyaha ay kamid ahaayeen gurmadka ciidamadii Mucaawisleyda ahaa ee lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen oo kuyaala Barujeed.

Lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaaray labada masuul, kuwaas oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo magaalada Guriceel.

Xaaladda degaanka ayaa haatan deggen, waxaana gacanta ku haya ciidamada Mucaawisleyda iyo kuwa dowladda oo iskaashanaya.

Dowladda iyo maamulka Galmudug weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay Barujeed, halkaas oo Alshabaab ay sheegeen inay dagaal kula wareegeen saakay waaberigii hore.