7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
Raysal wasaare Xamse oo ku dhawaaqay in dalka ka dhici doonaan shan isbadal oo waa weyn
 

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in soddonkii sano oo ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyada kale ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax badan kusoo kordhiyay.

Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka dadaal badan sidii hore, si dalka uu uga daba tago dalalka asaasigiisa ah ee horumarada kala duwan ku talaabsaday.

Raysal wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha ee ku saabsan aqoon is weydaarsiga Hanaanka Jiheynta dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay laf dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

"Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa inaan sameynaa dadaal ka badan kii hore, waa inaan ku dhaqaaqna xawaare sare si dalalkaas oo iyagana wali horumarka kusii socda wax ula qeybsano, taasi oo u baahan in wax qabadkeena laba jibaarno”ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka ay ka dhici doonaan isbadalo waa weyn oo isdaba joog ah oo ay ugu horeeyaan ciribtirka kooxda Al-shabaab, deyn cafinta, dhameystirka dastuurka, habka awood qeysiga 4.5 iyo bixitaanka ciidanka ATMIS.