7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray waddo loogu magac daray madaxweynahii hore Cali Mahdi Maxamed

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray wadada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo wado cusub oo loogu magac daray madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku taala degmada Cabdicasiis.

Wadooyinkaan uu maanta madaxweynaha xariga ka jaray ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dadka degan degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay maamulka gobolka Banaadir iyo dadka ku nool degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta Nabadda sida ay u muujiyeen isku tashiga iyo in wadajir wax loo qabsan karo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka reer Muqdisho iney door weyn ka qaataan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeyso wadooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo waliba bilic soo celinta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Gabagabadii maamulka gobolka Banaadir ayaa wali ku howlan dhismaha wadooyin kale oo ku yaala Muqdisho, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor uu maamulka Banaadir dhagax dhigay wado laga hirgalinayo Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho oo ku yaala degmada Yaaqshiid.