7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud
 

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - faahfaahino ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qaraxyo culus oo uu xigay dagaal toos ah oo aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab ku qaaday fariisin ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Barujeed oo u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Barujeed oo qiyaas ahaan 60 KM u jirta magaalada Guriceel ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay in ka badan laba saacadood oo xiriir ah, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegaya inuu geystay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Barujeed, hayeeshee wali lama oga khasaaraha rasmiga ah inta uu dhan yahay, maadama isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka maqan tahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney iska difaaceen weerarka saakay aroortii hore soo qaaday kooxda Al-shabaab, islamarkaana xubnahii kooxda ee weerarka soo qaaday la gaarsiiyay jab xoogan.

Kooxda Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday deegaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud ayaa sheegtay iney ka gaartay guulo waa weyn.

Weerarkaan ayaa kusoo beegamaya, iyadoo gobolada Mudug iyo Galgaduud ay wali ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Shabaab ee la doonayo in looga ciribtiro guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug.