7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii jaamacadda Ummadda

Axad, October, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyhii Jamacadda Ummadda, Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xil ka qaadista kaddib, wuxuu si kumeel gaar ah guddoomiyaha jaamacadda ummadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

Wasiirka Waxbarashada oo ah guddoomiyaha guddiga sare ee Jamacadda Ummadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Gacal.

Lama oga xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha jaamacadda ummadda inay la xiriirto baxsashadii madaxii Kulliyadda Arrimaha Bulshadda Qeybta Saxaafadda Nageeye Cali Khaliif oo ku biiray Alshabaab.

Guddoomiyaha Jaamacadda ee xilka laga qaaday ayaa dhowaan cabasho ka keenay hannaanka Maamul ee Jaamacadda oo ay muuqatay in hoggaanka jaamacadda uu is qabqabsi dhanka maamulka ah ka jiray.

Hadalkaan ayuu sheegay intii lagu guda jiray shirkii arrimaha waxbarashada Soomaaliya, oo uu qabtay mac'hadka cilmi baarista Soomaaliyeed ee Heritage.