7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Dubai
 

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaasoo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28) oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in shirkaasi ay kusoo bandhigi doonaan dhibaatooyinka adag ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha is barbar socda ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka geysteen qaar ka mid ah gobolada dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El NiƱo oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in mudada uu madaxweynaha Soomaaliya ku sugan yahay magaalada Dubia ee dalka Isutaga imaaraatka Carabta inuu halkaasi kulamo gaar gaar ah uu ku yeesho madaxweyneyaasha caalamka ee  kasoo qayb galaya shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageero heer caalami ah u raadinaya gurmadka deg dega ah oo ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaanada ay ku dhufteen daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.