7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Midowga Yurub oo u qoondeeyay gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah fatahaadaha Soomaaliya

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Midowga Yurub ayaa ururiyey lacag gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah oo dhan 3.5 milyan oo Yuuro, oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ba’an ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Soomaaliya, 2 milyan oo Yuuro ayaa lagu taageerayaa sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay sida weyn u saameeyeen fatahaadaha, gaar ahaan kuwa ku teedsan dooxada webiga Jubba.

Maalgelintan dheeriga ah ayaa imaanaysa, iyadoo in ka badan tahay €5.5 milyan dhawaan loo qoondeeyay gargaarka bini'aadantinimo ee kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen fatahaadaha El Niño iyo barakaca khasabka ah ee colaadaha.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sidoo kale bilaabaya bisha December, inuu diyaarad helikobter ah ku gaaro meelo adag oo Soomaaliya ka mid ah, si dadyowga halkaas ku go’doonsan loo gaarsiiyo gargaarka biniaadantinimo.

Ku dhawaad hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayay saameeyeen fatahaadaha El Niño, sidoo kale ku dhawaad 100 qof ayaa ku geeriyooday waxyeelada daadaadka.