7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Raysal wasaare Xamse oo Maanta gaaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose
 

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer uu ugu kuur galayo xaaladaha bani'aadaninimo ee ka dhashay daadadka roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya qaar ka mid ah gobolada dalka ku tagay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Raysal wasaare Xamse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Afmadoow waxaa kusoo dhaweeyay madaxwehlynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isna galinkii hore ee maanta gaaray degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Afmadoow.

Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka, waxaana taasi u sii dheer fatahaada uu wabiga Jubba ka sameeyay degmadaas.

Raysal wasaare iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa si wadajir ah u indha indheyn doona xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaada is barbar socda ee ku nool degmada Afmadoow iyo deegaanada hoostaga

Raysal wsaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose, halkaasi uu u tagay raysal wasaaraha wax ka ogaanshiyaha xaaladaha ka dhashay roobabka iyo fatahaadaha, isagoona ugu baaqay hay'adaha gargaarka iyo beesha caalamka in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaada.