7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Badda Soomaaliya

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya Admiral Cabdi Warsame Cismaan.

Xilkaan taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya ayaa mudo sanad ku siman waxaa haayay oo ku magacawna Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse, kaasoo wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya  xilkaan looga qaaday, laguna magacaabay  taliyaha cusub Admiral Cabdi Warsame Cismaan.

Taliyaha cusub ee ciidanka Badda ayuu faray madaxweynaha Soomaaliya inuu si deg deg ah xilkaas ula wareego, islamarkaana uu guto waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Taliyaha cusub ee ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa la sheegay inuu yahay shaqsi mudo dheer kasoo dhex shaqeeyay qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Badda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo markale xeebaha dalka ay dib uga soo cusboonaadeen kooxo Burcad badeed Soomaali ah.