7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweeysay warbixinta xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka
 

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu ka diyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu wasiirka maaliyaddu ka sheegay ka dib markii uu maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka, kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta xaaladaha Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay Dowladdu horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha barnaamijka deyn cafinta.

"Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka qeybtiisa 8-aad taasi oo aan diirada ku saarnay sida ay biyihu muhiim ugu yihiin nolosha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana waxa aan horumar muuqada ka samaynay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar dakhliga gudaha ah uu sameeyay sanadkaan inkastoo ay jiraan caqabado sameeyay horumurka dhaqaaalaha taasi oo ay sababeen isbeddelka cimilada, daadadka ka roobka iyo ayax oo dhibaato kale deegaanka.