7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2023
Garowe: Booliiska Puntland oo ka hadlay 3 carruur ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga hubka
 

Khamiis, November, 30, 2023 (HOL) - Booliiska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay saddex carruur ah, kuwaas oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga rasaasta ka dhacda qoryaha waawayn.

Warbixin kooban oo kasoo baxday baaris uu booliisku sameeyay, ayaa lagu sheegay in carruurta falkaan ku dhaawacmay ay gargaraaceen xabbadda qoriga loo yaqaano 37 (Teedhi Saban), sidaasna uu qaruxu ku yimid.

Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhiga Galbeed ee ee Magaalada Garowe.

Booliisku wuxuu sheegay in waaxda miina baarista ee Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadaas.

Saddexda carruurta ee ku dhaawacmay falkaan ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, waxayna qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Falkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Garowe uu bishii June ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxay ahayd meelihii ay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.