7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Hay'adda duulista Soomaaliya oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa caawa waxa ay beenisay warar sheegaya inuu jiro shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Hay’adda duulista ayaa hadalkaan uga jawaabtay, ka dib makii baraha internet-ka sida Facebook lagu qoray war ku saabsan in diyaarad rakaab ah ay ku burburtay agagaarka magaalada Marka.

“Dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya garoomada dalka iyo kuwa adeegsanayay hawada Soomaaliya ayaa si nabad ah ku gaaray halkii ay ku socdeen, iyadoo aan la soo sheegin wax shil ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.”ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya.

Hay’adda duulista waxay sheegtay, war kasta oo warbaahinta gudaha ay ku sheegto inuu shil diyaaradeed dhacay, loo qaadan doona mid aan xaqiiqo ahayn.

Bishii julay ee sanadkan ayuu ahaa shilkii diyaaradeed ee ugu dambeeyay ee ka dhaca dalka, wuxuuna ahaa shil ka dhacay garoonka Aadan Cadde, ka dib markii diyaarad ka timid Garowe ay shil ku gashay qeybta diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka.

Shilkaas labo qof ayaa ku dhaawacmay.