7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Alshabaab oo bilaabay inay bartilmaameedsadaan xarumaha lagu xiray kaamirooyinka amniga

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Qarax ayaa xalay lagu bururiyay goob ganacsi oo lagu iibiyo qalabka baabuurta, taasoo kutaala xaafadda Blac Sea ee degmada Howlwadaag.

Qaraxaan ayaa lala xiriirinaayaa inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab, ka dib markii ay ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadayaan xarumaha ganacsiga ee lagu xiray Kaamirooyinka amniga ka qeyb qaata.

Maalmahan oo dhan ayaa xarumaha kuyaala laamiga Blac Sea, waxaa ka taagnaa, in hay’adda NISA ay amartay in kaamirooyin lagu xiro xarumaha ganacsiga, halka kooxda Alshabaab ay digniin kasoo saareen. Taasi waxay keentay in ay xirmaan xarumo ganacsi oo ay ku adkaatay fulinta amarada dowladda iyo kuwa Alshabaab.

Horjooge katirsan Alshabaab ayaa si cad u sheegay inay bartilmaameed sanayaan cid kaste oo fulisa awaamiirta dowladda ee ah inay ogolaato in xarunteeda ganacsi lagu xiro kaamerada loogu talo galay amniga.

Kaameradan ayaa loogu talo galay inay duubto waxyaabaha ka socda meelaha lagu xiro, si haddii halkaas ay wax ka dhacaan ay dowladdu u hesho xogo muhiim ah oo wata caddaymo.