7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Hay'adda SODMA oo shaacisay halis cusub oo ka dhalan karta daadad iyo fatahaado hor leh

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA oo markale digniin adag soo saartay ayaa shaacisay in dadka sugun qeybo ka mid ah maamulada kala ah Hirshabeelle, Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland iney aad uga foojignaadaan xaalado ka dhalan kara daadad iyo fatahaad hor leh oo ku wajahan gobolo ka tirsan shantaas maamul.

War kasoo baxay hay'adda SODMA ayaa lagu sheegay in saadaalinta khuburada ay tahay mid la mid ah digniintii ay horay u soo saareen bilowgii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, taasoo la wada ogyahay iney saameeyay dhul baaxad weyn oo ka mid ah kuwa haatan markale digniinta loo dirayo.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa si gaar ah waxaa loogu tilmaamtay roobabka laga digayo ay da’i karaan dhamaadka bishaan Nofeember ee berri ku eg iyo ilaa todobada maalmood ee ugu horreeysa bisha Deseember oo bilaabaneysa maalinta Jimcaha ah.

Si kastaba ha ahaatee daadadka xoogan ee ka dhashay roobabka iyo fataahada wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee is bar bar socda ayaa barakiciyay dad ka badan hal Milyan oo ruux, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 96 ruux, waxaana xusid mudan in xaalado go'doon ah iney galiyeen daadadka iyo fataahadaha boqolaal qoys oo wajahaya xaalado bani'aadanimo nooca ugu daran.

Digniintaan cusub ee kasoo baxday SODMA ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Malaayiin Soomaali ah ay wali la dhiban yihiin saameynta kasoo gaartay daadadka ka dhashay roobabkii dhawaan dalka ka da'ay iyo Fatahaadaha ay sameyeen wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana saadaashaan ay hadii ay rumoowdo sii adkeyn doonta nolosha dadka qaar oo markii horaba aheyd mid aad u liidata.