7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Maraykanka oo Shiinaha ku eedeeyay in uusan u gurman Markabkii ay weerareen burcad badeeda Soomaalida
 

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Maraykanka ayaa ku eedeeyay maraakiibta  Shiinaha ee ku sugan gacanka cadmeed, in ay ku guuldareysteen in ay caawiyaan markab laga leeyahay Israa’iil, oo Axaddii ay weerareen burcad badeed Soomaali ah, sida uu sheegay Pentagon-ka.

Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka dalka Liberia oo lagu magacaabo Central Park, kaasoo markii hore u muuqday in lagu bartil-maameedsaday gantaalada ay soo rideen fallaagada Xuutiyiinta Yemen, ayaa hawada usoo diray baaq qeylo dhaan ah, si loogu gurmado.

Maraykanka iyo xulafo aan la magacaabin ayaa ka hor tagay weerarkaas oo ay koox burcad badeed Soomaali ah ku doonayeen inay ku qabsadaan markabkaas, sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

Ugu yaraan 3 markab oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Shiinaha ayaa aaggaas ku sugnaa.  xoghayaha warfaafinta ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Brig. Gen. Pat Ryder, wuxuu sheegay in aysan bixinin wax jawaabin ah.

Eedda loo jeediyay ciidamada badda Shiinaha oo lagu eedeeyay in aysan wax tallaabo ah qaadin, ayaa dhalin kara su'aalo ku saabsan, Shiinaha  mas'uuliyadda ka saaran biyaha caalamiga ah.

Shiinaha ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii ka howlgalayay saldhig ay ciidamada badda Jabuuti ku leeyihiin si ay uga caawiyaan howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda.

Bishii Oktoobar, laba markab oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Shiinaha ayaa soo gaaray gacanka cadmeed ee badda Soomaaliya si ay u galbiyan maraakiibta ganacsiga.