7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Dadkii ka barakacay daadadka iyo Fataahada deegaanada Jubbaland oo maanta gargaar la gaarsiiyay
 

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Qaar ka mid dadkii dhawaan ka barakacay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah iyo fatahaada wabiga Jubba ayaa maanta la gaarsiiyay gargaarkii ugu horeeyay.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo is kaashanaya ayaa maanta gaarsiiyay gargaarkii ugu horeeyay dadkan Soomaaliyeed ee kasoo barakacay daadadka iyo Fatahaada.

Gurmadka gargaarkaan maanta la siiyay dadka ku barakacay fatahaada iyo daadadka ayaa waxaa keentay dowladda Shiinaha, waxaana ka mahadceliyay gargaarkaan Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugan Kismaayo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney gargaar lasoo gaaraan dadka ku waxyeeloobay masiibada ka dhalatay roobabka Elnino iyo Fatahaada wabiyada.

"Dadkaan maanta gargaarka loo qeybiyay waxay ka nasiib badan yihiin kuwa wali ku dhibateysan meelaha xaaladaha adag ka jiraan ee geedaha dulsaaran, waxaan ku baaqaya in si deg deg ah loogu gurmado dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa hay'addaha gargaarka iyo beesha Caalamka ugu baaqay iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada Jubbaland oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii dareyso xaaladooda nololeed.