7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2023
Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Mudug
 

Arbaco, November, 29, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan guutada 17-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa Howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa qeybta sakawaadka ee gobolka Mudug.

Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xarfuulo oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolkaas.

Taliyaha Ururka Sadaxaad ee Kumaandooska Gorgor Dhame Cali cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in Horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Nadaara, islamarkaana ay sidoo kale gacanta ku dhigeen xubin ka mid ah Shabaab oo la socday horjoogaha ciidanku dileen.

Taliye Cali Cageey ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada is garabsanaya ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa mudo dheer ka socda howlgalo lagu doonayo in kooxda Al-shabaab looga ciribtiro guud ahaan deegaanada labadaas gobol ee maamulka Galmudug, waxaana suurtagashay mudada howlgaladaasi socdaan in Al-shabaab laga xureeyo dhul baaxad leh.