7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Maxaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi u magacaabay inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Ergeyga gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta khasaaraha dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo Xasilintooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ergayga cusub inuu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyadda adag ee loo idmaday oo ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka"ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dalka.

Xilkaan Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka waxaa horey ugu magacawnaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare inuu  noqonayo ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD, taasi oo keentay in xilkii uu haayay in maanta loo magacaabo Xildhibaan Cumar Ibraahin Xaashi.