7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Dowladda Soomaaliya oo xukun dheer ku ridday horjooge Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa toban sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye), oo lagu helay dambi ah, inuu Alshabaab u qaabilsanaa maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Xeer ilaalinta maxkamaddu waxay sheegeen inuu Alshaabab ku biiray sanadkii 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray degmada Xarardheere, Jowle, Caad iyo Bacaadweyn.

Waxaa lagasoo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug, todobadii bisha July ee sanadkan, waxaana howlgalka lagusoo qabtay ku geeriyooday nin lagu magacaabo Xaashi, ka dib markii isaga iyo xukumanaha ay la dagaalameen ciidamada gacanta kusoo dhigay.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay inuu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishiiba.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigtay shakhsiyaad badan oo Alshabaab gacan saar la lahaa, intii lagu jiray wajigii koowaad ee howlgalka lagu xoreeyay degaano badan oo katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle.