7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo mar kale diiday xeerka wax ka beddelka doorashooyinka
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa mar kale ku guul daraystay inuu xildhibaanada taageero uga helo meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka Puntland.

Kulan saacado dheer socday oo goor dowayd soo idlaaday, ayaa in ka badan 35 xildhibaan waxay soo jeediyeen in xeerkaan meesha laga saaro gabi ahaantiisba, ama in la hakiyo inta ay socdaan dedaalada nabadeed ee ay garwadeenka ka yihiin golaha dhaqanka SSC- Khaatumo.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu wadatashi galayo, islamakaana markale la horkeenayo baarlamaanka, si ay uga doodaan. Walow xildhibaano badan ay sheegeen in aan mar dambe lagusoo celin golaha xeerkaan.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday, iyadoo aysan jirin wax qodobo ah oo la isku raacay. Hase ahaatee, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in berito goluhu fasax yahay, dibna uu kasoo sheegidoono xilliga la iskusoo laabanayo.
Haddii baarlamaanku uu diido xeerkaan, madaxweyne Deni ayaa la kulmi doona caqabad weyn oo ka hor imaanaysa qorshihiisa siyaasadeed ee doorashada qof iyo cod.

Xeerkan lagu muransan yahay waxaa soo diyaariyay guddiga doorashada. Wuxuuna tilmaamayaa, in 25-ka bisha 2-aad ee 2024 ay halmar wada qabsoomto doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka, iyadoo doorashadu ay noqonayso qof iyo cod.