7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Soomaalida South Africa oo loo soo Bandhigay Fursad Ganacsi ay ka sameeynsan karaan Dalka Zimbabwe
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Ganacsato Soomaaliyeed oo xalay kulan la qaatay Duqa Magaalada Bulawayo, Mayor David Coltart iyo dhigiisa magaalada Johannesburg Mayor Kabelo Gwamanda.

Caasimada ganacsiga ee magaalada Johannesburg, waxaa safar shaqo oo sadex cisho ah ku joogaa Duqa magaalada Bulawayo ee dalka  Zimbabwe.

Booqashada Duqa Bulawayo ayaa la xiriirta sidii uu u xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahay Jaaliyadda kasoo jeeda deegaankiisaa ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, iyo sidu u dhiirigelin lahaa Jaaliyadaha kale ee Afrikaanka oo ay soomaalida kamid tahay si ay oga qeyb qaadan lahayeen horumarinta deegaankiisa.

Kulanka kowaad oo is-xogwaraysi ahaa kadib, ayay ganacsatada Soomaaliyeed waxay ku wehelinayeen Duqa martida ah, kulan casho sharaf ah, oo uu soo agaasimay Duqa Magaalada Johannesburg. Mayor Kabelo Gwamanda.

Dalka Zimbabwe waa dal xasiloon, marti-gelintana ku haboon, diyaarna u ah maal-gashi shisheeye, waxaana jira fursado badan oo ay ka faa’iidaysan karaan ganacsatadeena Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika, gaar ahaan kuwa ka ganacsada Cuntada, ama milkiilayaasha wax-soo-saarkaleh.

Caawa ayaa la filayaa in Mayor ka Bulawayo iyo wafdigiista ay kulan la qaadan doonaan ganacsato iyo odayaasha Jaaliyadda oo uu horkacaayo Gudoomiye Cabdulllahi Fahiye Cabdi si soomaalida ay ugu faaideeysato fursadaha ganacsi ee yaala dalka Zimbabwe.

Omar kiyow
Johannesburg