7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Hay'adda SODMA oo shaacisay in tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaadaha sii korortay
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa tirada dhimashada ay geysanayaan daadadka iyo fataahadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha hay'adda maareynta iyo masiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyay in tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iney gaartay 96 ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha SODMA in daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay inta badan gobolada dalka iney ku barakaceen dad gaaraya 2.3 Milyan oo ruux.

Hay'adda maareynta ayaa sidoo kale sheegtay in xoolo gaaraya afar kun oo neef lagu waayay fatahaada, islamarkaana hantida ku khasaartay ay gaareyso 136,045 oo isugu jira guryo, gawaari iyo alaabo kale.

Ugu dambeyntii kumanaan Soomaali ah oo ay saameyeen fataahadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ayaa haatan wajahaya xaaalado bani'aadanimo oo aad u daran.