7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2023
Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha oo digniin culus u diray dadka ku nool deegaanada Al-shabaab
 

Axad, November, 26, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha guud ee ciidamada difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ahna madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State ayaa fariin adag u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab.

U qeybsanaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab laga fulin doono weeraro nooc kasta leh, islamarkaana loo baahan yahay in dadka isaga soo tagaan deegaanada ay joogaan Al-shabaab.

“Qof kasta oo ku nool meel Shabaab joogo, waxaan ula dhaqmi doonaa sidii Shabaab, waa la i duqeeyey ma dhihi kartaan, cid inka dhageysa doontana ma jirto, ka fogaada oo lafihiina ka ceynsada, nooma kala soocna Shabaab iyo wixii la nool" ayuu yiri hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale digniin gaar ah u diray dadka degan inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo uu sheegay iney wali intooda badan ka amar qaataan kooxda Al-shabaab.

“War waa idiin digayaa, hadii aad doontaan hala dagaalimina ee ka fogaada nimankaas, waxaana ku dhaaranayaa ninkii Shabaab la jooga kama reebi doono waa noola mid, Shabaab warkiisa waxaan ku soo koobayaa waxay horay u gashadeen kabaha iyo surwaalkooda, ana waxaan ka daba wataa Feynuus" ayuu yiri u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay uu gaabis xoog leh ku yimid howlgalada ka dhanka ahaa kooxda Al-shabaab ee ka socday inta badan gobolada dalka.