7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Wasiir Dhagawayne: Waan ku faraxsanahay in xilka layga qaado anoo danaha gobolka Awdal ka shaqaynaya
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Wasiirkii Maalgashiga Somaliland ee uu madaxweynuhu shalay xilka ka qaaday Cabdi Cismaan Dhagawayne, ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xilka laga qaado xili uu ku hawlana wax ka qabashada tabashooyinka reer Awdal.

Waxa uu sheegay in aanu kursiga aad ugu hamuun qabin, isla markaana uu wax kasta ka jecelyahay ka shaqaynta danaha bulshada uu kasoo jeedo, uuna ku faraxsanyahay in xilka laga qaaday isaga oo danaha bulshada ka shaqaynaya.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta anaga oo uu na hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenkii JSL, oo ka shaqaynaynay danihii gobolka Awdal, iyo horumarkiisa, in hadana madaxweynuhu xilka iga qaado, aad baan ugu faraxsanahay waanan ku bogaadinayaa" ayuu yidhi Dhagawayne.

Waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay in uu qalinkiisa wasiir ku noqday, isla markaana aanay waxba iska badali doonin, waxa uuna sheegay in sidii hore uun uu bulshada ugu shaqayn doono.

"Reer Awdalna waxaan leeyahay ha la is dajiyo waddanka inaga ayaa leh, markii horena horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynay hadana horumarkiisa uun baynu ka shaqaynaynaa" ayuu yidhi Dhagawayne.

Waxa uu sheegay in uu lasii shaqayn doono xisbiga Kulmiye iyo xukuumada, isla markaana hadii xukuumad kale timaadana uu markasta u baadi dooni doono waxa ka dhiman bulshada gobolka Awdal.

Xilka qaadista Dhagawayne ayaa timid kadib hadal uu dhawaan ku sheegay in dadka reer Awdal ay tabasho qabaan, oo ay wax ka maqanyihiin.