7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Madaxweynaha Kenya oo maanta sagootiyay safiirkii Soomaaliya ee Kenya
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sagootiyay danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Nuur Tarsan, wuxuuna uga mahadceliyey howlihii uu u soo qabtay.

Madaxweyne Willian Ruto ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo horumarka deegaanka iyo faa’iidada ay wadaagaan labada waddan.

Willian Ruto waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo barwaaqada Bariga Afrika.

"Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan wax ka badan deris, muddo tobanaan sano ah, waxaan ka wada shaqaynaynay raadinta nabadda iyo horumarka qarankeenna iyo gobolka. Waxaan wadaagnaa xiriir dhaqameed qoto dheer oo leh xiriir ganacsi oo xooggan."ayuu yiri Willian Ruto.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dhawaan soo gabagabeeyay waajibaadkiisii safiirnimo ee Kenya, isagoo dib ugu laabandoona  dalka.

Ambasaddor Tarsan, ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya. Wuxuu xafiiska joogaa muddo 4 sano ah.