7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Wabiga Shabeelle oo bilaabay inuu ku fataho degmada Buulaburte
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay qeybo ka mid xaafadaha degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Wabiga ayaa barqanimadii maanta bilaabay inuu ku fataho xaafada Indhaceel oo ka mid ah xaafadaha degmadaas, waxaana halkaas isaga barakacay shalay iyo maanta boqolaal qoys oo nolosha kala baxsanaya saameynta biyaha.

Fataahada wabiga ee degmada Buulaburte ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo markii horaba dadkeeda ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo ka dhashay go'doon ay degmadaasi galiyeen kooxda Al-shabaab.

Waa markii labaad oo sanad gudahiisa uu wabiga Shabeelle fatahaad ka sameeyo degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in buundadad degmadaas ay tahay mid aad u liita kadib qaraxyo Al-shabaab ay la beegsaday dhamaadkii sanadkii ladoo dhaafay ee 2022.

Si kastaba ha ahaatee Wabiga Shabeelle ayaa 12-kii bishaan ku fatahay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana fatahaada Baledweyne ku geeriyooday inta la xaqiijiyay dad gaaraya 8 ruux.