7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Cabdiweli Gaas: Waa in madaxweyne Deni iyo mucaaradku ku heshiiyaan doorasho lagu qanacsan yahay
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay saamaynta ka dhalan karta ismariwaaga u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo kooxaha mucaaradka.

Cabdiweli Gaas ayaa jadwalka doorashada ee ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuu ku tilmaamay arrin qatarteeda leh, taasoo uu sheegay inay xasilooni darro ku keeni karo midnimada iyo nabada Puntland.

Cabdiweli Gaas wuxuu ugu baaqay madaxweyne Deni iyo mucaaradku inay wada fariistaan oo ay ku heshiiyaan doorashada.

“Anigu waxan ku talinayaa in caqligu shaqeeyo oo loo naxo dhowr milyan ee ku nool Puntland, xasilooni darrana dhulkaas laga ilaaliyo,” ayuu yiri Cabdiwal Gaas.

Gaas wuxuu sheegay wuxuu sheegay masuuliyadda ugu weyn inay saaran tahay madaxweyne Deni.

Wuxuu sheegay in laga doonayo inuu doorashada waqtigeeda ku qabto, oo uu tixgaliyo go’aankii kasoo baxay isimada.