7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Baarlamaanka Puntland oo mar kale qaadaya tallaabo mucaaradka Puntland ka caraysiin karta

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inuu isniinta todobaadka soo socda oo ku beegan 20-ka November, meel mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, xeerkaas oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka.

Shalay ayaa baarlamaanka loo gudbiyay xeerkan, kaasoo sheegaya in doorashada waqtigeeda laga dhigo dhammaadka bisha febraayo, laguna qabto hab ay madaxweynaha iyo baarlamaanku dooranayaan shacabka Puntland.

Golaha musharraxiinta ayaa horey ugaga digay baarlamaanku inuu qaado tallaabo mar kale horseedi karta xasilooni darro amni, iyagoo sheegay in lagula xisaabtami doono ka shaqaynta damac siyaasadeed ee Deni, sida ay sheegeen.

Labaatankii bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii in ka badan 30 qof ay ku geeriyoodeen magaalada Garowe, ka dib qalalaase ka dhashay go’aan uu baarlamaanku ku meel mariyay oo ah in la furo dastuurka oo wax laga bedelo qodobo.

Mucaaradka ayaa hadda mar kale ka digaya inuu baarlamaanku mar kale qaado tallaabo mugdi galin karta doorashada siddeeda January 2024.