7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Burundi
 

Arbaco, November, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalka Burundi.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Burundi ayaa lagu sheegay iney la xariirto sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab, maadaama dalka Burundi uu ka mid yahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la tilmaamay inuu dhigiisa dalka Burundi oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) inuu kala hadli doono arrimo la xariira dadajinta ku biirista daladan ee Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Gabagabadii dowladda Soomaaliya ayaa mudo badan dadaal ugu jirta sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fursad weyn ka heli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed.